Deeq A. Posted October 3, 2020 Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in 48-ka saac ee soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada. Rooble ayaa haatan soo gaba-gabeeyey kulamadii wada-tashiyada ahaa ee uu maalmihii la soo dhaafay ka waday gudaha magaalada Muqdisho. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada ay ka soo muuqan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumaddii Xasan Cali Khayre iyo kuwa cusub. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in isla todobaadkan uu Ra’iisul wasaare Rooble xukuumaddiisu horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya, si loo ansixiyo. Xukuumadda federaalka ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada 2020/21 oo la soo saaray jadwalkeeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites