Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka qof la dilay oo la soo dhigay xaafad ka tirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qof si xun loo dilay oo meydkiisa la soo dhigay xaafadda Salaama oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee G/Banaadir.

Meydka ayaa waxaa aroortii hore ay dadka deegaanku ku arkeyn wadada dhinaceeda, gaar ahaan inta u dhexeysa Baar-Ubax iyo Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray meesha la soo dhigay meydka, kadibna sameeyey baaritaano kooban.

Lama oga illaa iyo hadda sababta loo dilay ninkaasi oo aan weli la aqoonsan iyo sidoo kale ciddii ka dambeysay intaba.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii isla xaafaddan uu ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday ciidaN ku sugnaa halkaas, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this