Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Galmudug oo gaaray goob uu muran ka taagnaa+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amniga Galmudug oo isugu jira Daraawiish, NISA iyo Boliiska ayaa tagey deegaanno hareeraha Hobyo ku yaalla oo maalmihii la soo dhaafay shaqaaqooyin dhul la xiriira uu ka taagnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha degmada Hobyo iyo ku xigeenkiisa, iyo Xildhibaanno baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa gaaray goobtaas, ayagoo u kuurgalay sidii wax u dhaceen, sidoo kale ciidamada amniga ayaa halwgalladoodii magaalada Hobyo uu weli meeshiisii ka sii socdo.

Dadweynaha Hobyo ayaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta iyo ciidamada Amniga ee hawlgallada Hobyo ka wada, ee lagu qabqabtay kooxo amni-darro waday iyo kuwa kale oo ka ganacsada maandooriyaha.

Degmada Hobyo ayaa laga dareemayaa isbedel weyn iyo xasilooni ka dib markii la qabtay toboneeyo ka mid ah kuwii amniga magaaladaas dhibka ku hayey, qaar kalena lagu soo warramayo In halkaas ka soo carareen.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

120550849_174138007639588_55762406651502 120589933_174137787639610_49332402415843 120672330_174137747639614_74791595216620 120702583_174137754306280_55618917483236 120705618_174137990972923_37852968038179 120706003_174138017639587_12271833058073 120706210_174137920972930_73498981431787 120715577_174138050972917_69909727801196 120716209_174137880972934_30253501108712 120727801_174137964306259_63368339285096 120735632_174137957639593_55236768193769 120748813_174137837639605_59128765533892 120761937_174137914306264_90705039831175

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this