Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar culus la beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday saldhiga Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Goob-joogayaal ku sugan Baardheere, ayaa laga soo xigtay in daryanka hubka noocyadiisa kala duwan xalay laga maqlayay saldhiga ku yaalla garoonka diyaaradaha Baardheere, halkaas oo ay deggan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa la soo weriyay in ay hoobiyaal ku garaacday saldhiga, kadibna Ciidamadii halkaasi joogay ay jawaab-celin ka bixiyeen weerarka, inkastoo aan faahfaahin laga helin Khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, xillli sidoo kale ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar culus la beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baardheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this