Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayax fara ba’an ku haya degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda

Recommended Posts

Deeq A.   
ayax-ku-habsaday.jpg?resize=583%2C454&ss

Ayax diigaanyo ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku habsaday degaanno badan oo ka tirsan degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, halkaas oo uu fara ba’an ku hayo daaqsinta Xoolaha.

Mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan degmada Xiingalool, ayaa sheegay in Ayaxa uu ku habsaday degaannada ay kamid yihiin Qoyan, jiingadda, Damal-goray, Xaar-xaarshe iyo  war-idaad oo dhammaantood ka tirsan Xiingalool.

Sidoo kale, odayaasha iyo waxgaradka Xiingalool ayaa sheegay in Ayax uu xaalufin daran ku hayo degaanka, islamarkaana uu si ba’an u diirtay daaqsintii Xoolaha, welina dhul horleh ku sii faafayo.

Odayaasha iyo mas’uuliyiinta Xiingalool, waxay xukuumadda Puntland gaar ahaanna wasaaradda degaanka ka codsadeen, in ay ka caawiso sidii Ayaxa looga kicin lahaa degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale, degaanno ka tirsan Karkaar iyo Nugaal ayaa soo sheegaya in Ayaxu ku habsaday, waxaana laga cabsi qabaa in uu meelo kale ku sii fido.

PUNTLAND POST

The post Ayax fara ba’an ku haya degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this