Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo xulufaysi siyaasadeed ka bilaabay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xulufaysi siyaasadeed oo ku wajahan Doorashada 2020/2021, wuxu ka bilaabay Magaalada Nairobi ee xarunta Waddanka Kenya.

Warbaahinta Puntland Post, ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni uu halkaasi u tegay hirgelinta xulufaysi siyaasadeed oo ku aaddan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, maalmo kadib markii la soo saaray Habraaca iyo Jadwalka Doorashadaas.

Wararku waxay sheegayaan, in Madaxweyne Deni uu Magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula yeelan doono, siyaasiyiin miisaanleh oo damac kaga jiro Doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Kulamada badankooda waxa la filaya in ay noqdaan kuwa qarsoon oo aan la shaacin, inkastoo laga yaabo in qaarkood la shaaciyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka wado Madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo xulufaysi siyaasadeed ka bilaabay Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this