Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   
Aqalka-Cad.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Xaaskiisa Melania Trump ayaa laga helay cudurka Covid-19, ka dib tijaabo xalay lagu sameeyey.

Trump ayaa partiisa twitter-ka ku cadeeyey in isaga iyo xaaskiisa baaritaankii lagu sameeyey lagu ogaaday inay cudurka qabaan, aysana jirin xilligan xaalad caafimaad darro ee ay dareemaayan, balse ay rajeynayaan inay ka soo kabtaan cudurka.

Aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa baahiyey qoraalka Dr. Sean Conley oo ah dhaqtarka gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, kaas oo lagu sheegay in madaxweynuhu sii wadi doono hawlaha Qaranka, isagoo gurigiisa isku karaantiilaya, wixii kiiskan ka soo kordhana ay bulshada la wadaagi doonaan.

Dhammaan kulamadii siyaasadeed ee todobaadyadan u qorshaysnaa Trump ayaa la joojiyey, sida aqalka cad uu xaqiijiyey, iyadoo laga fogaanayo in Trump ay dad la kulmaan.

Trump oo 74-jir ah ayaa dhawr jeer todobaadkan la safray Hope Hicks oo ah lataliye sare oo ka tirsan Aqalka sare, taas oo iyadana laga helay cudurka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this