Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka wada duleedka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ee Haramcad ayaa saaka howl-gallo ballaaran ka wada duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga wadaan deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa oo hoostaga magaaladaasi.

Ujeedka howl-galladaasi ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dhaq-dhaqaaqyo la sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal cukus uu ka qarxo deegaanadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this