Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo safar ugu ambabaxay dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa muddo bil ah u joogay Muqdisho jiheynta Dalka marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.

Puntland ayaa marwalba dadaal joogto ah ku bixisa dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya iyo ka gudbinta dalka marxaladdaha kala duwan, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu halkan ka qabtayna waxay qeyb ka tahay sida Puntland ay masuuliyadd isaga saartay masiirka dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

FB_IMG_1601633091201.jpg FB_IMG_1601633099615.jpg FB_IMG_1601633093918.jpg FB_IMG_1601633096071.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this