Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida Wariye C/Qaadir Maxamed Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh ee ku timid Rug cadaa saxaafadeed Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga tacsiyadeeyay asxaabtii iyo ehelladii uu ka geeriooday marxuumka, isaga oo alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto saxafigii weynaa marxuum Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahda saxaafadda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Marxuum Mursal waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed ayuu yiri” RW Rooble.

Mursal ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay dalkaas, Gabadhiisa ayaa sheegtay in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku dhacay balse uu ka bogsaday, hase yeeshee uu saameyn ku reebay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this