Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis horudhac ah oo lagu gaaray shirka ka socda Villa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah lagu gaaray shirka madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleeyada gobolka Banaadir uga socda Muqdisho.

Shirkan oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in is faham looga gaaray dhismaha saddex guddi oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka na-soo aaddan ee 2021-ka

Sidoo kale guddiyada oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, sida ay tibaaxayaan wararka haatan soo baxaya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in madaxdu ay isku fahmeen waqtiga ay doorashadu si toos ah u billaban doonto, taas oo la filayo in la guda-galo dhamaadka bishan October illaa horraanta November ee sanadkan 2020-ka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka soo socda ee 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this