Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay isgoyska Black Sea

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan kuwa nabad-sugida Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay fulisay haweeney isku xirtay walxaha qarxa, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan labo askari oo uu ku jiro taliyihii dhar cadda ee aagaasi ayaa ku dhintay qaraxan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sdioo kale waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo ka agdhowaa meesha uu qaraxu ka dhacay, kaas oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal amni darro oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this