Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib dagaa toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka shacabka ah ee ay waxyeeladu soo gaartay in xaafadahooda ay ugu tageen tiro hoobiyeyaal ah.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this