Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacigii Weynaa Ee U Dhashay Masar Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kuwait)-Allaha u naxariistee daacigii weynaa ee Masriga ahaa Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq ayaa geeriyoodey.


Marxuum Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq, wuxuu ahaa qof wacdiya dadka oo ugu yeedha Diinta Islaamka, wuxuuna qorey 60 buug oo diini ah.


Cabdulraxmaan wuxuu ku dhashey Manuufiya oo waqooyi kaga beegan magaalada Qaahira, waxaana sannadkii 1965-tii uu macallin ka noqdey Kuwait oo uu ku nolaa 55-kii sanno ee u dambeeysay, isagoo ku geeriyooday caasimadda dalkaas magaalada Kuwait.

Daaciga ayaa la sheegay in da’diisu ay ahayd 81 sanno.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this