Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh Kooban:Wax ka baro Amiirka cusub ee loo dhaariyay dalka Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikh Kooban:Wax ka baro Amiirka cusub ee loo dhaariyay dalka Kuwait

 

 nawaaf.jpg

 

Golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa maanta dhaariyay Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir kaas oo xilka amiirka wadankaas sii hayay inta uu xanuunsanaa Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo shalay ku geeriyoday dalka Mareykanka.

Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-Jaabir ayaa dadka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida ku timid walaalkiis, wuxuuna sheegay inuu gudan doono waajibaadka saaran.

Waxa ugu horreeyo uu qaban doono waa iney xukuumadiisa agaasinto aaska amiirkii geeriyooday oo diyaarad khaas ah lagu keenayo magaalada Kuwait.

Waa Kuma amiirka cusub?

Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir waa 83-jir ku dhashay magaalada Kuwait 25-kii June 1937, waana walaalka amiirkii dalka Kuwait ee geeriyooday, sidoo kale waa abaanduulaha ciidamada militariga Kuwait.

January 2006 ayaa loo magacaabay inuu yahay dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait sida uu qabo sharciga qoyska reer Sabah, isagoo 25-jir ah ayaa loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Hawali sanadkii 1962-dii.

Wuxuu soo maray wasaaradda arrimaha gudaha iyo sidoo kale wasaaradda difaac.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this