Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka socda Villa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xarunta madaxtooyada weli ka socda shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo G/Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan oo galay maalintiisii saddexaad ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayaa qodobada dhamaystirka doorashooyinka ee 2020-21-ka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxdu ay is-faham ka gaareeb dhismaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah, guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Lama shaacin xilliga la soo gaba-gabeyn doono shirkan oo weli ka sii socda xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa horey heshiis uga gaaray doorashada, kaas oo ay meel mariyeen xildhibaanada labada Aqal ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this