Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo tababaro u soo gabo-gabeysay saraakiil ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Britain ayaa sheegtay inay tababar u soo gaba gabeysay Taliska iyo shaqaalaha xarun loogu talo galay in ciidanka Soomaaliya ee mustaqbalka lagu tababaro magaalada Muqdisho.

Casharada ay qaateen saraakiisha Soomaalida ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheynta, xasilinta iyo fulinta howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab sida uu sheegay  Colonel Alex Hutton oo ah taliyaha ciidanka Britain ee tababarka bixinayay.

Xarunta waxaa dhawaan booqday safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed.

UK waxay ka taageertaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed qalab ay ka midyihiin dharka, Raadiyeyaasha, iyo gawaari fara badan oo ay ku jiraan kuwa xamuulka qaada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this