Deeq A. Posted October 1, 2020 Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay gudaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoyska Black Sea iyo Daallo ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana uu ka dhacay goob ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha dowladda, balse waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo xiray meesha ay wax ka dhaceen. Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana sidoo kale socda gurmad deg deg ah oo loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada ee ku sugnaa halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites