Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan caasimada ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay isgoyska Balack Sea ee degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa is-miidaamin, waxaana meesha uu ka dhacay ka agdhow fariisin ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray aaga ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Faah faahinta goor dhow la soco.

The post Deg deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this