Sign in to follow this  
Deeq A.

Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka oo kulan wada-tashi ah ka furay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlaayo sidii hay’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga taageeri lahaayeen fulinta adeegyada gargaar ee asaasiga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socota dowlad goboleedka Galmudug iyo wakiilo ka socda hay’adaha aan dowliga aheyn ee ka howlgala dalka.

Sii-hayaha wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya  mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa ugu baaqay  hay’adaha aan dowliga aheyn in ay badiyaan adeegga ay ka bixiyaan degaannada Galmudug.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xoojin doonaan dardar gelinta sidii degaannada galmudug looga fulin lahaa adeegyada gargaarka aas’aasiga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this