Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaal Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in goob ganacsi oo halkaas ku taalla uu saaka qabsaday dab xooggan kaas oo ku sii fidaya goobo ganacsi oo horleh.

Dabka ayaa ka kacay Kaalin lagu iibiyo Shidaalka oo ku taaalla bartamaha Dhuusamareeb waxaana dabku markiiba ku fiday xarumo ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka taas oo keenta in uu kordho khasaaraha dabkaas.

Magaalada oo aan dam-demis lahayn ayaa sababtay in dambku meelo horleh ku sii faafo inkastoo uu socdo gurmad xooggan oo shacabka iyo maamulka degmadu ay ku deminayaan dabkaas.

PUNTLAND POST

The post Dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaal Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this