Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo madax goboleedyada iyo arrimo xal laga gaarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayuu caawa shir uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu sii amba-qaadayaa heshiiskii dhawaan ay madaxdu ka gaareen hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka, waxaana diiradda lagu saarayaa dhismaha guddi doorasho oo kala metelaya heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo sidoo kale dhismaha guddiga xalinta khilaafaadka, oo aan ku jirin qodobadii horay loogu heshiiyey.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in shirkan ay ku gaaraan heshiis lagu jaangoynayo waqtiga doorashada iyo waajibaadka guddiyada la magacaabayo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar uu uga soo baxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo ku biiray shirkan caawa ka furmay Villa Somalia.

Shirarkan ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskii dhawaan laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, ee loo gudbiyey labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, isla markaana ay ansixiyeen.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey oo furitaanka shirka lala sugaayey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo caawa Muqdisho soo gaaray.

The post Shir Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo madax goboleedyada iyo arrimo xal laga gaarayo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this