Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah ka fuliyey gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab fagaare ku yaalla deegaanka Ceel Cali ay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu dil geystay.

Guddoomiyaha maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xukun dil ah lagu riday eedeysane Xasan Aadan Cali oo 44 jir ahaa, isaga oo tilmaamay inuu horey u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ehellada marxuumka ay dalbadeen in loo qisaaso Xasan Aadan Cali, sidaasina lagu toogtay.

Fagaaraha lagu dilay ninkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fuliya deegaanada ay maamulaan ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this