Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Caadle oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa saaka kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska Mudane Ben Fender.

Labada masuul ayaa iska waraystay marxaladda kala guurka ah ee Hirshabeelle, arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo sida doorashooyinka ku soo fool leh ay u noqon lahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa Safiirka uga mahadceliyay taageerada ay dowladdiisu la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay si gaar ah u garab istaagaan Hirshabeelle maadaama uu yahay dowlad gobaleedka ugu nugul ee ugu da’da yar.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2020-09-29-at-12.45.17-PM WhatsApp-Image-2020-09-29-at-12.45.31-PM

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this