Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyey shirka amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga gobolka banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda.

“Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.”

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

120202780_3463503750368102_8748540305011 120394176_3463503560368121_8388380669282 120427086_3463503537034790_2564920220295 120428319_3463481670370310_5407911493145 120463091_3463503850368092_1223516689507 120465863_3463469830371494_6256690432141 120532376_3463503567034787_7485605652211

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this