Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraakiib Iyo Doonyo Ka Yimid Dalalka Carabta Oo Ku Xayiran Dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Maraakiib iyo Doonyo ka soo shiraacday dalalka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka iyo Cumaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku xayiran yihiin dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Maraabkiibta iyo doonyahaasi ayaa la sheegay inay sidaan shixnado ganacsi, waxaana ay u raran yihiin ganacsato Soomaali ah, gaar kuwo reer Puntland ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ka dambeysa xayiraadooda ay tahay ciid la sheegay inay buuxisay marinka dekedda magaalada Boosaaso oo ay haatan gacanta ku heyso shirkadda P & O, oo hoostagta DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka dekedda uu maraabkiibta iyo doonyahaasi ku amray inay ku hakadaan xeebta illaa in muddo ah.

Howl-wadeenada dekedda ayaa sidoo kale haatan wada dadaallo ciida badan lagaga saarayo dekedda magaalada Boosaaso.

DP World oo hore heshiis ula gashay maamul gobolleedka Puntland ayaa ballantu waxa ay aheyd inay dayactir iyo ballaadhin ku sameyso dekeddaasi, balse weli waxba kama qaban.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this