Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal Carbeed oo shaaciyey in Haweenka & Ragga la siin doono Mushahar isle’eg

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal Carbeed oo shaaciyey in Haweenka & Ragga la siin doono Mushahar isle’eg

 uae.jpg

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa wax ka beddeshay sharciga uga degsan sinnaanta ragga iyo haweenka, waxayna dhaqan gelisay in haweenka iyo ragga ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay ay qaataan mushaar isku mid ah.

Amarkan oo ka soo baxay Sheekh Khaliifa bin Zayed Al Nahyan bishii August ayaa dhaqan galay Jimcihii. Haweenka ayaa la sheegay inay qaadaan doonaan mushaar la mid ah kan ragga marka ay qabtaan shaqo isku mid ah.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay xoojinta sinnaanta jinsiga marka ay timaaddo bixinta mushaarka.

Wasaaradda kheyraatka dalkaa ayaa sheegtay in tallaabadan ay xoojin doonto maqaamka uu Imaaraatka Carabta ku leeyahya gobolka iyo caalamkaba, ee ku aaddan sinnaanta jinsiga.

Warbixin uu soo saaray Golaha Dhaqaalaha Caalamka ayaa lagu sheegay in Imaaraatka Carabta uu hoggaanka u hayo dalalka gobolka ee wax ka qabanaya farqiga u dhaxeeya msuhaarka ay qaataan ragga iyo dumarka ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this