Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Afgooye oo faah faahiyey kufsi ka dhacay degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney da’deeda lagu qiyaasay 80 illaa 90 jir ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystay fal kufsi ah oo ay ka naxeen dadka deegaanka.

Maamulka degmadaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in falkaan uu geystay arxan laawe aan damiir laheyn, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen, isaga oo baxsad ah.

Fuddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim ayaa inoo sheegay in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeni doono eedeysanaha.

Bilihii u dambeeyay waxaa Soomaaliya ku soo badanayay falalka la xiriira kufsiga ee loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka nugul ee u baahan in la caawiyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this