Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulimaadyada gudaha ee garoonka Aadan Cadde oo hakad ku jiro+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka hakad ku jiro shaqada duulimaadyada gudaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada gobollada dalka ay sameeyeen shaqo joojin deg-deg ah, kadib markii mid ka mid ah shirkadahaasi loo diiday inay u dhoofto garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Hakadka ku yimid duulimaadyadaas ayaa saameyn ku yeeshay rakaab fara badan oo saaka ku sii jeeday qaar ka mid ah gobollada dalka.

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ku aadan arrintaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this