Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo la kala safatay Armenia iyo Azerbaijan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay taageeri doonto waddanka Azerbaijan oo maalmahan xiisad colaadeed kala dhexayso dalka Armenia.

Isniintii Shalay ayaa waxaa la arkayay ciidamada Azerbaijan iyo kuwa Armenia oo is weydaarsanaya madaafiic culus, oo midba midka kale ku eedeynayo inuu bilaabay dagaalka Axaddii.

Goobjoogayaashu waxay ugu yeereen dagaalkii ugu dambeeyay ee Nargono Karabakh, mid ka jira gudaha Azerbaijan laakiin ay maamulaan qowmiyadaha Armenia, waana kii ugu xumaa tan iyo 1990-meeyadii.

Warbixinnada goobjoogayaasha ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ka badan tahay 20 qof iyo ugu yaraan 100 dhaawac ah.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa si deg deg ah uga hadlay taageeradiisa Azerbaijan, isaga oo ku tilmaamay Armenia in ay tahay halista ugu weyn ee nabada gobolka.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa ugu baaqay guud ahaan caalamka in ay Azerbijan ku garab istaagaan dagaalka ay kaga so jordeedaan duulaanka lagu soo qaaday

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo la kala safatay Armenia iyo Azerbaijan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this