Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Daraawiishta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xerada ciidanka Indhaqaris oo ku taala duleedka degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wasiirka amniga Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ka ahaa munaasabadda qalinjebinta ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarkii tababarku soomaray iyo tayadda ciidamada, isagooa xusay in ciidanka jirka iyo maskaxdaba laga dhisay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay dufcaddan qalinjabisay in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda ku aadan sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka cadawga, Isagoona u ballanqaaday in Galmudug diyaar la tahay xuquuqdooda.

Madaxweynaha ayaa gabagabadii munaasabaddana abaalmarinno ku guddoonsiiyay saraakiishii tababarka bixinaysay iyo askartii ugu wanaagsaneed intii uu socday tababarka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Daraawiishta Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this