Sign in to follow this  
Deeq A.

Duullimaadyada Maxaliga ah ee Garoonka Muqdisho oo hakad galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Duullimaadyada Maxalliga ah ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa saaka oo Talaado ah hakad ku yimid kadib muran ka dhashay mid kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo shaqa-joojin lagu sameeyay.

Rakaab badan oo saaka u bixi lahaa Gobollada Dalka ayaa ku xanniban gudaha Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib Muranka ka dhashay shaqa-joojintaas.

Muranka ayaa u dhexeeya Hay’adda Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadaha Diyaaradaha Maxalliga ah kuwaas oo gadood ka sameeyay Garoonka Aaden Cadde.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka joojisay diyaarad u bixi lahayd degmada Doolow ee Gobolka Gedo taas oo keentay gadoodka Shirkadaha Diyaaradaha Maxalliga ah.

PUNTLAND POST

The post Duullimaadyada Maxaliga ah ee Garoonka Muqdisho oo hakad galay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this