Sign in to follow this  
Deeq A.

Doonyo iyo maraakiib ganacsi oo ku xayiran xeebta Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.

Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay dalalka Carabta, gaar ahaanna Cummaan iyo Imaraatiga, ayaa saacado ku xayiran xeebta Boosaaso, kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo Marinka dekedda

Maamulka dekedda Boosaaso, ayaa Doonyaha iyo Maraakiibta ku wargeliyay in aysan xeebta soo dhaafin inta Marinka dekedda laga saarayo Ciid la sheegay in halkaaas ay buuxisay.

Dekedda Boosaaso, waxa gacanta ku haya Shirkadda P&O, oo ay leedahay DP World, taas oo sheegtay in ay dayactir iyo ballaarin ku samayn doonto, inkastoo aysan waxba ka qaban mudadii ay joogtay.

PUNTLAND POST

The post Doonyo iyo maraakiib ganacsi oo ku xayiran xeebta Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this