Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Qof shacab ah oo ku dhintay Rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
  • Marxuumka.jpg?resize=471%2C471&ssl=1Marxuumka geeriyooday

Hal ruux oo shacab ah ayaa maanta ku geeriyooday bartamaha Caasimadda Garoowe kadib rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuura ee Puntland.

Askariga ayaa rasaasta riday xilli ay murmayeen qof kale oo ganacsade ah kaas oo diiday in uu bixiyo Canshuur laga doonayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf ayaa markiiba u geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.

Booliiska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askarigii ay rasaastu ka dhacday qorigiisa.

PUNTLAND POST

The post Garowe: Qof shacab ah oo ku dhintay Rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this