Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Yemen Iyo Xuuthiyiinta Oo Markii Ugu Horreysay Heshiis Wada-gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yeman)-Dowlada Yemen iyo Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ayaa markii ugu horreysay wada saxeexday heshiis ay Maxaabiista dagaalka isku dhaafsanayaan.

Heshiiskan ayaa kasoo baxay kulan ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Switzerland.

Wuxuu heshiiskan hordhac u yahay isu-soo-dhaweyn dowlada caalamka uu aqoonsan yahay ee Yemen iyo Kooxda Xuuthiyiinta kahor intaan dib loo furin wadahadalka labada dhinac oo muddo dheer hakad ku jiray.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay is-dhaafsadaan maxaabiis ka badan kun (1000) askari oo ay ku jiraan 15 askari oo u dhashay Sacuudiga oo lagu qabtay dagaalka Yemen sida ay sheegayaan wararka ay helayso Somalilandtoday

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa soo dhaweeyey heshiiskan oo uu qeyb weyn ku lahaa.

Sannadkii 2018 ayey labada dhinac wada saxeexdeen heshiis lagu siideynayo 15-kun oo ah maxaabiista labada dhinac kala heystaan, balse dhaqan-gelinta heshiiskaasi ayaan lagu wada guuleysan, wuxuuna hada qorshaha yahay in qeyb-qeyb loo siidaayo maxaabiistaasi.

Hay’ada bisha-cas ayaa loo xilsaaray mashruucan, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasii daayo 1081 askari oo ah qeybta ugu horeysa, waxaana kamid ah 400 maxaabiista Xuuthiyiinta gacantooda ku jira oo ay kamid yihiin 15 u dhashay Sacuudiga iyo 4 askari oo kasoo jeeda dalka Sudan.

Dhinaca Dowlada Yemen iyo Xulafadooda ayaa siideyn doona maxaabiis gaadheysa 681 oo laga qabtay kooxda Xuuthiyiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this