Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirad lagu ganaaxay 3-Bilood Mushaarkood+Kiiska lagu helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirad lagu ganaaxay Saddex bilood mushaarkood+Kiiska lagu helay

Wasiiradda gaashaandhigga Koonfur Afrika Nosiviwe Mapisa-Nqakula
Wasiiradda gaashaandhigga Koonfur Afrika Nosiviwe Mapisa-Nqakula

Wasiiradda gaashaandhigga Koonfur Afrika Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa seddex bilood oo mushaar ah lagu ganaaxay kaddib marki lagu soo eedeeyey diyaarad ciidamada cirka ay leeyihiin iney u adeegsatay danaha xisbi siyaasadeed oo ay ka tirsan tahay.

Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa lagu eedeeyey hoggaanka sare ee xisbiga talada Koonfur Afrika haya ee ANC iney u fasaxday diyaarad ay ciidamadu leeyihiin iney ku tagaan dalka Zimbabwe.

Safarka siyaasiyiinta oo la sheegay iney wasiiradda lafteeda ku wehlisay.

 

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo wasiiradda seddex bilood oo mushaar ah ku ganaaxay ayaa amar ku bixiyey lacagta wasiiradda lagu ganaaxay in loo xereeyo qasnadda looga talagalay xakameynta Faayraska Korona.

Hase yeeshee, wasiiradda gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula waxay sheegtay iyada oo safar u ah dalka Zimbabwe oo howla shaqa ugu socotay iney xubno xisbi ay ka wada tirsan yihiin ay oggolaatay iney sii raacaan balse ay u fasaxin diyaarad khaas ah.

Xafiiska Wasiiraddana wuxuu sheegay safarka ay ku tagtay dalka Zimbabwe inuu ahaa si ay uga qayb gasho shir arrimaha gobolka looga arrinsanayey oo halkaasi ka dhacayey.

Hoggaanka sare ee xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC safarka ay ku tageen dalka Zimbabwe ayaa lagu sheegay inuu ahaa xisbiga dhiggooda ee Zanu PF ee dalka Zimbabwe iney kala hadlaan xaaladda dhaqaale ee dalkaasi soo wajahday.

Hase yeeshee, madaxweyne Ramaphosa wuxuu sheegay waxay ay sameysay wasiiraddu inuu yahay khalad.

Cyril Ramaphosa
Cyril Ramaphosa

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa marka uu talada dalkaasi qabanayey wuxuu ballan qaaday inuu ka hortagayo musuqmaasuqa iyo waddada khaldan ee ay caadeysteen xubnaha xisbiga ANC iyo madaxda dalka Koonfur Afrika.

“Falka ay wasiiraddu ku dhaqaaqday waa mid ka horimanayo nidaamka maamulka suubban” taasaa keentay inaan seddex bil oo mushaar ah wasiirradda ku ganaaxa” ayuu yiri.

Xubnaha xisbiyada mucaaradka dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn u cambaareeyey arrintan ay sameeysay wasiradda gaashaandhigga iyaga oo sheegay tallaabbada uu madaxweynaha wasiiradda ka qaaday iney ku filneen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this