Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee shacabka Sool & Sanaag uga fal-celiyeen hadalkii MW Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah bulshada ku nool degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa ka fal-celiyey jawaab uu ka bixiyey madal su’aallo lagu weydiinayey Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ku saabsaneyd metalaadda iyo doorashada xildhibaanada Sool iyo Sanaag.

Bulshadan ayaa muujisay in aysan fileyn sida uu uga jawaabay mas’uulkii ugu sarreeyey dalka, mar la weydiiyey xaquudooda doorasho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo lagu casuumay dood ka socotay machad falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa gabar lagu magacaabo Rowdo waxa ay weydiisay su’aal ku saabsaneyd xaquuqda doorasho ee xubnaha xildhibaanada ku metalaya gobollada Sool iyo Sanaag iyo halka lagu dooran doono, balse Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo su’aasha gabadhaasi.

Madaxweymaha ayaa sida uu uga fal-celiyey su’aasha gabadha ayaa hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo la arkayey dadweyne badan oo ka falcelinayey hadalkaas, iyagoo isticmaalayo qoraallo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this