Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo gacanta ku dhigay ‘nin miino Aasayey’

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ay ciidamada Jubbaland saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ah kuwa miino baaris ah ayaa ciidamadu waxa ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Ismaaciil Faarax Raage oo ka mid ah saraakiisha ciidamada daraawiishta maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howl-galladaas, wuxuuna sheegay inay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al-Shabaab oo uu tilmaamay in miino uu ku aasayay wadada aada dhanka deegaanka Goobweyn oo ah goob loo dalxiis tego.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay sii wadi doonaan howl-galladooda, islamarkaana u jeedka uu yahay sidii loo xaqiijiin lahaa amniga deegaanadaasi.

Muddooyinkii dambe ciidamada Jubbaland, kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this