Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax ka dhan ah ciidamada Kenya oo ka dhacay Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeeday ciidamada dalka Kenya.

Dibad-baxayaasha ayaa muujinayey sida ay uga xun yihiin tacadiyada isugu jira dilka, dhaawaca iyo afduubka ay ciidamadaasi ku hayaan shacabka gobolka Gedo.

Dadka dhigayey dibad-baxaasi ayaa sidoo kale ku qeylinayey erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay duleedka degmada Ceelwaaq.

Sidoo kale waxa ay dalbanayeen dibad-baxayaashu in gabi ahaan ciidamadaasi laga saaro dalka oo dhan.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay saddex ruux ka wateen degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay toogasho ku dileen waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka socda degmooyinka gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this