Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya sharciyo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Maanta oo Isniin ah waxay ka doodayaan laba sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horyaalla Golaha.

Golaha ayaa Akhrinta kowaad marinaya, hindise sharciyeedka dhismaha haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu  akhrinta kowaad marinayaa ee hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Guddoonka Golaha,  ayaa soo jeediyay in la dar dargaliyo howlaha horyaala Golaha maadaama ay dowladda ay u hartay mudda kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro sharciyada qaar.

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya sharciyo muhiim ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this