Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Warmaxan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo ku socdaalayey halkaasi.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka bada, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka

Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib howl-gallo ka sameeyey duleedka Wanlaweyn, si ay gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ka fuliyo gobolka Sh/Hoose oo ay howlgallo ka wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this