Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Ceyr iyo Mascuud oo go’aan ka gaaray hubka uu doonayo QOOR QOOR

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulan shalay galab illaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa looga hadlay xiisad maalmahaan ka taagan Galmudug, taas oo u dhaxeysa Jeneral Mascuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulankan ayaa ahaa mid u dhaxeeya qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha Ceyr iyo Jeneral Mascuud, waxaana go’aan looga gaaray arrimihii sababay khilaafka Janaraal Mascuud iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Jeneral Mascuud uu odayaasha dhaqanka beeshiisa u sheegay in isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay isku fahmi waayeen in Galmudug lagu wareejiyo hubkii maamulka Ahlu-Sunna, kaasi oo uu Mascuud ku sheegay inuu yahay hub qabiil islamarkaana uusan raali ka aheyn in loo dhiibo qof aan isaga aheyn ilaa ay ogolaadaan odayaasha dhaqanka beesha.

Odayaashii uu la kulmay Janaraal Mascuud ayaa sheegay in hubkaas aan laga bixin doonin gacantiisa, islamarkaana uu isaga ugu shaqeyn doono maamulka Galmudug.

“Odayaashu waxey sheegeen in hubkaan yahay hub qabiil ayna ku aamineen Jenaraal Mascuud, isaga ayaana ugu shaqeyn doono Galmudug, waxeyna ka digeen in loo gacan geliyo qof kale,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii shirka ka qeyb galay oo aan la hadalnay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhowaan Janaraal Mascuud ka dalbaday in wasaaradda amniga Galmudug uu ku wareejiyo dhamaan hubkii maamulkii Ahlu-Sunna, waxaana arrintaasi ka dhashay khilaaf culus oo ilaa hadda taagan.
120322670_3810885595602677_2101624230594 120364407_401632191225041_51530521033496 120425570_401632374558356_51507784765209

The post Beesha Ceyr iyo Mascuud oo go'aan ka gaaray hubka uu doonayo QOOR QOOR first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this