Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu ahaa u jeedka kulanka Ra’iisul wasaare Rooble & guddoomiye Barre?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Kulanka ayaa ahaa mid salaan iyo hambalyo oo uu Ra’iisul wasaaraha ugu tegay guddoomiye Barre oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

“Waxaan salaan iyo Hambalyo ugu tagay Reysul wasaaraha cusub ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u rajeynayaa inuu alle lagarab galo masuliyada culus oo bulshada u qabtay, sidoo kale waxaan kawada hadalnay marxalada siyaasadeed ee dalka Gaar ahaan Arimaha Dowlad Goboleedka HirShabelle.” ayuu yiri guddoomiye  Barre.

Kulankan waxaa guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ku wehlinayey wasiiru dowlaha kalluumeysiga kheyraadka iyo badda HirShabelle  Axmed Cabdi Cali.

Maalmihii u dambeeyey Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waday kulamo wada-tashi oo ku aadan dhismaha xukuumadda cusub, kadib markii uu helay codka kalsoonida ee BF Somalia.

labadda-2.jpg1-kow.jpg

The post Sawirro: Muxuu ahaa u jeedka kulanka Ra'iisul wasaare Rooble & guddoomiye Barre? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this