Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo la ogaaday in uusan mudda toban sano ah Canshuur bixin

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyska lagu magacaabo  New York Times oo ka soo baxa Waddanka Maraykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kali ah $750 oo ah canshuurta dakhliga sanaddii 2016, oo ahaa markii uu xilka u tartamay.

Wargeyska ayaa sheegay  in uu helay xogta iyo diiwaanka canshuurihii uu bixiyay Mr Trump iyo shirkadihiisa 20 sano ee ugu dambeeyay taas oo muujinaysa in canshuurta dakhliga uusan bixin 10 sano oo ka mid ah shan iyo tobonkaasi sano.

Warbixinta uu daabacay wargeyska New York Times ayaa soo bandhigaysa in muddo sannado ah uu Madaxweyne Trump ka maqnaa bixinta Canshuurta.

Madaxwayne Trump ayaa marar badan la kulmay caqabado dhanka sharciga ah ka dib markii uu diiday in uu hay’adaha ay quseyso la wadaago dikumiintiyada la xiriira inta ay dhan tahay hantidiisa iyo ganacsiyadiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Trump oo la ogaaday in uusan mudda toban sano ah Canshuur bixin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this