Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday Heshiis Deyn cafin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, Hesiiskan oo ka dhacay safaaradda Mareynkanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la wada cafiyo.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka  ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna  sidoo kale ku bogaadays safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this