Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Soomaaliya oo Kala Saxiixday Heshiiska Deyn Cafin Hal Bilyan oo Doolar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, saxiixan ayaa ka dhacay safaaradda Mareykanka ee gudaha Muqdisho.

Dowlad Mareykanka ayaa sheegtay iney Soomaaliya ka cafineyso in ka badan hal bilyan oo Doolar taas oo qeyb ka ah deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin dalalka Paris club.

Saxiixa maanta dhacay waxaa Goobjoog ka ahaa wasiirka koowaad ee dalka Maxamed Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.

Ku-simaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay la hadleen dalal badan oo Paris club ah isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in deynta la wada cafiyo.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo goobta ka hadlay ayaa Mareykanka iyo safiirka ugu mahadceliyey sida ay deynta u cafinayaan.

Goobjoog News

kowwa-1024x482.png haahe.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this