Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni Ay La Socdeen Muhaajiriin Soomaali Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Liibiya)-Illaa 22 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku guulleystey inay badbaadaan markii doon ay la socdeen oo dooneysay inay gaadho Yurub ay ku qarqoontay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta Libya, sida ay sheegtay Jimciyadda Caalamiga ah ee Socdaalka.

Kalluumeysatada Liibiya ayaa arkay doon degtay gelinkii dambe ee maalintii Khamiistii toddobaadkii hore, waxayna ku guulleysteen inay 22 qof ka soo saarto biyaha.

Muhaajiriintaan ayaa ka kala yimid Masar, Bangaladesh, Suuriya, Soomaaliya iyo Ghana.

Doonida ku degtay xeebta Liibiya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 muhaajiriin ah, waxaana maydkooda la helay saddex qof oo ay ku jirto haweenay Suuriyaan ah.

Ugu yaraan 13 kale oo muhaajiriin ah ayaa weli la’yahay iyadoo loo maleynayo in ay ku hafteen biyaha, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Ilaalada Xeebaha Liibiya ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama kooxaha baadi goobka ay baarayaan aagga shilku ka dhacay si ay u helaan dhibanayaal badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this