Deeq A. Posted September 27, 2020 Waxaa maalintii saddexaad gobolka Gedo ka socdo dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada dalka Kenya oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi. Dibad-baxyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan dhammaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Dadka dhigaya dibad-baxyada ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay duleedka degmada Ceelwaaq. Sidoo kale waxa ay dalbanayaan dibad-baxayaashu in gabi ahaan ciidamadaasi laga saaro dalka oo dhan. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay saddex ruux ka wateen degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay toogasho ku dileen waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka socda degmooyinka gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites