Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo war ka soo saartay dagaalkii duleedka Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay iska hor imaad shalay ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex maray xadka ay wadaagaan labada wadan.

Iska hor imaadkaasi ayaa ka dhashay, kadib markii ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen dadweyne dhigayey dibad-bax iyaga looga soo horjeedo.

Sidoo kale rasaastaasi kadib waxaa jawaab ka bixiyey ciidamada malatariga Soomaaliya oo  xabado ku furay dhinaca Kenya.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Kenya oo warramayey wakaalada wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay rasaas is-weydaarsadeen.

Waxa kale oo intaasi ku daray in xabadaha ay fureen kadib markii dad banaan-baxayaal ah ay ku soo dhawaadeen xadka Kenya, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadka halkaasi ka dhacay.

Dadka dhigayey dibad-baxa ayaa waxaa ciidamada Kenya ay ku eedeeyeen in ay dileen saddex ruux oo shacab ahaa, islamarkaana ka mid ahaa dadka deegaanka.

Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareertay, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ay Kenya ku eedeysay in faro-gelin ku hayso dalkeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this