Deeq A. Posted September 27, 2020 (SLT-Addis Ababa)-Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogay dad ka badan 5,700 qof oo lala xidhiidhiyey rabshadihi dalkaasi Itoobiya ka dhacay ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanki la dilay Hachaalu Hundheesaa. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay fal-dambiyeedyadi dalka Itoobiya ka dhacay wixii ka dambeeyey marki la dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa baadhitaanki uu ku waday inuu haatan soo gabagabeeyey. Xeer ilaaiyaha Guud ee dalka Itoobiya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay waxay sheegeen 5,728-ka qof in lagu soo oogay dacwad ah iney dalka ka abuurayeen dagaal sokeeye. Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga wuxuu sheegay baadhitaanka kiiska xubnahan dacwadda lagu soo oogay iney ka qayb qaateen Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka, Xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada, Booliska federaalka iyo Booliska Dowlad Deegaanka Oromiya. Dadkaasi dacwadda lagu soo ogayna xeer ilaaliyuhu wuxuu u kala qaaday 3,377 oo ka mid ah iney kiiskooda dowladda dhexe gacanta ku hayso halka 2,351 qofna kiiskooda uu gacanta ku hayo deegaanka Oromiya. “Waxaana xubnahaasi laga diyaariyey 114 kiis uu Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Gacanta ku hayo iyo 374 deegaanka Oromiya gacanta ku hayso” ayuu yidhi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga. Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Itoobiya Gediyon Timotiyos wuxuu isna sheegay dadka lala xidhiidhiyey rabshadihi ka dhashay dilki loo geystay Fannaan Hachaaluu Hundheesaa dhageysiga dacwaddooda iney billaabmeyso toddobaadka soo socda. Dhinaca kale xadhigga ay dowladda Itoobiya u geysatay dadkaasi faraha badan kooxaha dhaliila waxay xadhiggaasi ku timaameen xadhig wadareed iyaga oo sheegay dadka falkaasi looga shakisan yahay inay tiradoodu aad u yar tahay. balse ay dowladdu dad aad u badan xidhxidhay. Xubnaha ay dowladda Itoobiya gacanta ku hayso ee dhageysiga dacwaddoodda la billaabayo waxaa ka mid ah ayuu yidhi xeer ilaaliyuhu, siyaasyiin balse siyaasiyiintaasi aan loo qaban aragtida siyaasadeed ee ay aaminsan yahay balse loo qabtay qalalaasihi dalka Itoobiya ka dhacay doorki ay ku lahaayeen. Xeer ilaaliyaha Guud ee Fedraalka wuxuu intaasi ku daray dadka dhacdadaasi looga shakisanaa ee ay dowladda qabatay oo aad u badnaa iyo fal dambiyeedka dhacay oo aad u ballaadhnaa awgii iney baadhitaanka ay muddo dheer ku qaadatay. Rabshadihi ka dhacay deegaanka Oromada ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanka Hachaaluu Hundheesaa waxaa ku dhintay 167 qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 360 qof, waxaana ku burburtay hanti lagu qayaaso 150 malyan oo doollar. Source Share this post Link to post Share on other sites